Posts

Showing posts from September, 2014

Qorshaha qar iska tuurka Shabaab!

Image
Dilka Godane ka dib maxaa xiga!! Guud ahaan warbaahinta caalamka ayaa aad u tabineysa wararka la xiriira dilka hogaamiyaha al-qaacida ee geeska afrika Axmed Godane oo dhawaan diyaarado Mareekanka uu leeyahay ay la beegsadeen gantaalo dhowr ah gaari uu saarnaa. Dilay Godane waa mid la xaqiijiyay ayadoona Ururka Alshabaab uu mudo 96-saacadood ka dib ay doorteen hogaamiye cusub oo shaqada sii wada. Nin magacyo badan sita dhalasho ahaana Soomaali ah ayaa loo doortay xilkaasi ayadoona la sheegayo in xiriir wacan uu la lahaa Godane inta aanan la dilin oo waliba aad ay isugu dhawaayeen dhan fikir iyo ehelba. Muuqaalka hogaamiyaha cusub ee loo magacaabay xilka ayaanan la ogeen waxa uu yahay balse sida caadada ah waxaa la filayaa in dhawaan uu soo duubo cod dhageysi ah waana qaabka ay inta badan isticmaalaan hogaamiyaasha urur al-Qaacida sida kol sii horeysay uu u soo diray cajal dhageysi ah hogaamiyihii lagu badalay Sheikh Osma bin Laden ee Ayman al-dawaahiri. Alshabab