Qorshaha qar iska tuurka Shabaab!

Dilka Godane ka dib maxaa xiga!!


Guud ahaan warbaahinta caalamka ayaa aad u tabineysa wararka la xiriira dilka hogaamiyaha al-qaacida ee geeska afrika Axmed Godane oo dhawaan diyaarado Mareekanka uu leeyahay ay la beegsadeen gantaalo dhowr ah gaari uu saarnaa.

Dilay Godane waa mid la xaqiijiyay ayadoona Ururka Alshabaab uu mudo 96-saacadood ka dib ay doorteen hogaamiye cusub oo shaqada sii wada.

Nin magacyo badan sita dhalasho ahaana Soomaali ah ayaa loo doortay xilkaasi ayadoona la sheegayo in xiriir wacan uu la lahaa Godane inta aanan la dilin oo waliba aad ay isugu dhawaayeen dhan fikir iyo ehelba.

Muuqaalka hogaamiyaha cusub ee loo magacaabay xilka ayaanan la ogeen waxa uu yahay balse sida caadada ah waxaa la filayaa in dhawaan uu soo duubo cod dhageysi ah waana qaabka ay inta badan isticmaalaan hogaamiyaasha urur al-Qaacida sida kol sii horeysay uu u soo diray cajal dhageysi ah hogaamiyihii lagu badalay Sheikh Osma bin Laden ee Ayman al-dawaahiri.

Alshabab waa xubin ka mid ah al-Qaacida

Inkasoo bilihii ugu danbeeyay uu jiray dabac dhaqaale iyo rajo xumo dhanka alshabaab hadana taasi macneheeda ma aheyn in alshabaab ay ka baxday ka mid noqoshada al-qaacida.

Khilaafkii soo kala dhaxgalay hogaankii sare ee alshabab waxa uu ahaa mid wax yar un ay ka faaideysteen quwadaha reer galbeedka ee xooga isbiday haba ugu horeeyaan Faransiika oo wareer ku qaaday horaantii sanadaan ee 2014 magaalada Buula-mareer oo nin maxbuus u dhashay uu ku sugnaa, waxa uuna qeyb ka ahaa dabac Aydoolajad kii ugu xumaa abid ee soo kala dhaxgala al-Shabaab fursadna siisay Faransiiska walow ugu danbeyntii wiji gabax uu halkaasi kala soo laabtay.

Urur weynaha al-Qaacida waxaa wakiil uga ah geeska Afrika Alshabaab sida dhowr jeer oo hore ay warbaahinta u sheegeen hogaamiyaaha Shabaab iyo al-Qaacida waxaana la aaminsanahay in dhaqaalo iyo fikirba ay isaga kaashadaan labada dhinac, taas macneheeda ma ahan in alshabaab ay dhaqaalaha xoogiisa ka helaan al-qaacida hadana waxaa jira farsamooyin kale aad u fara badan oo ay naaxeen alshabaab.

Alshabaab in ay ka qeyb noqoto al-qaacida waa istaraatiijid aad u qiima badan marka loo eego dhanka ciidanka iyo waliba danaha geeeska afrika ay ku leeyihiin Mareekanka iyo xulafadiisa ee sheega in ay la dagaalamayaan waxa ay ugu yeereen argagixiso hadan waxaad moodaa in boohinta ay orgiga ka weyntahay.

Dilka Godane iyo howgalada alshabab

Durbo boor iska qaad ay sameyn doontaan ayaa laga yaabaa in ay geestaan qaraxyo iyo ugaarsi masuuliyiin ayagoona ka geystaan maalooyin waaweyn oo amaankeeda la adkeeyay iyo kuwa kalaba.

Taasi macneheeda ma ahan in awooda al-shabaab ay tahay mid buuran hadana waa taaktiik dhanka ciidanka niyadiisa lagu dhisayo, alshabaab hada waxaa gacantooda kasii baxaya magaalooyin fara badan halka ciidamada DF Somalia ay kusii siqeyso magaalooyin hor leh.

Raxan Godanayaal ah ayaa ka dhax guuxaya buuraha iyo bariga Soomaaliya kuwaasi oo cabsan biya sokoreedka Alshabaab waana waxa keeni doona in fikirkiisa uu sii jiro in muda ah.

4-maalmood ka dib dilkii Godane maxa lagu heshiiyay?

Kalfadhiyo iyo xiriiro aan loo kala harin baa soconayay 96-saacadood ee lasoo dhaafay waxaana kulamadaasi ka qeyb ahaa Soomaali iyo cadaan, hadafka waxa uu ahaa sidii loogu dhawaaqi lahaa qofkii booska Godane lagu baadli lahaa.

Afahayeen dhanka warbaahinta u qaabilsan kooxda Cali dheere oo ay ka muuqato dabac tacsi ayaa ku dhawaaqay in Ururka uu yeeshay hogaamiye cusub isagoona dhanka kale cadeeyay in uu geeriyooday Godane.

Taasi wax macnaha masoo kordhineyso, balse waxa meesha yaala ayaa ah ragii soo wada jabhadeeyay oo dhan maku wada qanacsanyihiin magacaabista ruuxani aan sida dhabta ah loo aqoon qofka uu yahay ay xitaa macquul tahay in magaca uu yahay mid boos xir ah oo laga dhigi karo qof walba maadama ay soo ifbaxday in Godane uu dhintay? Waa macquul!

Qaar ka mid qaabilka Soomaalida ee daga meelaha ay gacanta ku hayeen alshabaab waxaa horay u jirtay wada-xaajood ay dhaafsadeen oo ahaa in alshabaab ay la shaqeeyeen wixii dano ahna ay ka hormariyaan mida kooxda sida dhowr bayaan ay qabaailka qaar soo saareen kalhore.

Qaar ka mid hogaamiyaasha gooni-goosadka ee uu ugu horeeyo Mukhtar Robow ”Abuu mansuur” waxa ay ahaayeen kuwa la daalaa dhacayay mudooyinkii ugu danbeysay suntii  uu ku buufiyay Godane ee ay ku kala qeybsameen iskuna laayeen, qaar ka mid kuwaas waxaa wali dhagahooda kasii yeeraya dilkii Sheikh Cabdi-xamiid iyo Ibrahim Afghani iyo Abu-masuur al-imriiki waxaana macquul ah in khilaafkaasi uu haatan dib u qarxi karo maadaama ay jiraan kuwa kale oo dhanka Godane doonta ka saarnaa walina nool. Balse labada dhinac ayaa wali sanka la sii raacaya uuradii ka hartay dabkii uu shiday Godane oo wali ka dhax mushaaxeyso gudaha kooxda.

Doorka Robow iyo…

Mukhtar Robow waxa uu ka mid yahay kwua qolfaha weyne ee inta badan lagu xanto inuu yahay ruux mayalkiisa uu cadyahay hadana waxa uu ka mid yahay xaalka marka uu xumaado kuwa talooyinkooda la qaado.

Khilaafkii keenay dilka Cabdixamid iyo Afghani iyo Al-imrikii waxa uu keenay in ay fiigaan raxan kale oo cadaan ah ( Muhaajiriin) ayadoo oo uu soo dhaweystay Robow oo walina uu soorta uu u kariyo inta badan cadaan ayaa aad uga xumaaday dilkii al-imriki maadaama uu ahaa u dhexeeyaha labada dhinac.

Dhankaasi ayay kasoo gali kartaa dabeesha ayadoona wali ay jiraan rag carab qaniinsanaya oo duurka si toos u galay.

Robow waxa uu xiriir aad u wanaagsan la leeyahayay dhamaan laamaha Amniyaadka ee dhanka dilalka u qaabilsan kooxda, waxa uuna inta badan keenaa 40% raga is qarxiya, taas waxa ay la macna tahay in qeyb (percentage) aad u balaaran uu ku dhax leeyahay wali kooxda.

Ma filayo in uu noqon doono hogaamiyaha kooxda hadana waxaa jiri dooono mid isaga aad ugu dhow in uu ku socodsiiyay kooxihii 96-saacadood la shiryay isaga laftiisa.

Awooda al-Shabaab iyo haatan

Howlgalada ay Dowlada iyo xulafadeeda AMISOM ay ka wadaan qeybo ka mid gobolada dalka ayaa ah mid isaga laftiisa ku socdo dano gobol, ayadoona dowladaha ciidamada ay ka joogaan gudaha wadanka Soomaaliya aysan doonaya in maandheedkooda mar walba wax loogu daro si ay gurubsadaan dhaqaalo.

Mudada sadaxda bilood ee soo socota hadii dagaalka ciidamada dowlada ay sii wadaan ayna kusii siqaan magaalooyin fara badan dhanka shabaab ayaa noqon doonto kuwa ku ekaada dagaalka ku dhufoo ka dhaqaaq iyo ismiidaamin fara badan oo ka dhacda magaalooyin gaar.

Xiriirka dhanka sirdoon ee kooxda waa mid aad u sareeya waxa ayna gacan buuxda ka helaan xitaa gudaha dowlada Soomaaliya taas oo sahasha duufaanta ka socota wadanka.

Gudaha kooxda hada waa mid iskiisa u cakiran waxaana macquul ah in isku dhax yaac xoog leh uu sii jiri doono inta muda balse fikirka ah in geeska afrika ay wakiil uga tahay al-Qaacdida waa mid meeshiisha ayna tahay jagada loo kala ordayo.

Jendayi Frazer mala kulantay Godane 2007?

Mareekanka waxa uu xaruun ciidan aadna u weyn ku leeyahay geeska Afrika gaar ahaan wadanka jabuuti halkaasi ayuu ka fuliyaa howlgalada dhanka cirka ee uu la beegsado shaqsiyaadka uu sida gaarka ah u ugaarsado, mar sii horeysay waxa uu gantaalo la beegsaday hogaamiyaal mug weyn ugu fadhiya al-Shabaab ayadoona ay ugu danbeysay tii todobaadkaa naga tagay ay ku qaarajiyeen Godane.

Jendayi Frazer waxa ay Mareekanka u qaabilsaneed arimaha Afrika waxa ayna fadhiyo la yeelatay mar ay booqasho ku tagtay Soomaaliya 2007 wafdi matalaya Maxaakiim Al-islaami (Islamic Court Union) oo markii danbe u toxob siibtay al-Shabaab,..... Haa waa run balse Mareekanka waxa ay u ekeed in uu ka dhax arkay dano si uu u ciyaaro jookarna waxaa waajib ku aheyd in uu keeno hindise soconaya.

Godane waxa uu ka mid ahaa wafdi si qarsoodi ah ula kolmay walow uusan gudaha u galin goobta hadana waxa uu ahaa ruuxii ugu sareeyay joogay goobta hadana aan la kulmin.

Mareekanka wuxuu jaanis siiyay wadaadii oradka ku jiray ee doonayay isbadal ayagoona mudada kooban amaanka kusoo celiyay xitaa CIA-da xubno ka socoto ayaa xamar kula kulantay saraakiishii Maxakiimata hada siyaasada Mareekanka ayaa meeshada qotoneed.

Dhamaadka Maxaakimta iyo danaha reer galbeedka ee gobolka waa tii aan ogeen halka jaan iyo cirib dhigtay walow ay dib usoo hana qaaday hadafkii ahaa in la abuuro SHABAAB oo ugu danbeyntii socday.

Gunaanad

Dowlada Soomaaliya waxa ay isbadal deg deg ah ku sameysay laameheeda Amaanka ayadoona durba xilka ka qaaday Madaxii hay’adda nabad-sugidda qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), sida aan ka warheyno ninkaan aqoon buuran uma laha dhanka amaanka kaliya waxa loo siiyay ayaa aheyd dano qabiil iyo xil u eg sida dhaxal oo kale balse go’aanka ay hada qaadatay dowlada ayaa noqonayo mid wax badan ka badali doono dhanka amaanka waa hadii ay ciyaarto dhex ka bood oo ah ”double effort” qorshahaas ayaa noqon doono mid yareeya daadka xooga leh ee kuso socda guud ahaan wadanka gaar ahaan dowlada wali aan cagaha dhulka la gaarin ee uu horkacayo Xasan Sheikh Maxamuud.

Amaanka Muqdisho kaliya ayaa ah midka laga xalin karo guud ahaan wadanka hadii aysan dowlada ka taxadarina waxaa macquul ah in qorshaha qar iska tuurka Shabaab uu noqon doono mid mugiisa leh kuna noqda dharbaaxo xanuunkeeda leh.


Mohamed Ibrahim Ayaanle
Freelance journalist


Comments

Popular posts from this blog

Fadliga tobanka danbe ee Ramadan

Kaftan & Kululeysi ~S1•E8 ~ Sufyaan+FBI vs SOMALI maryooleey