Posts

Showing posts from April, 2015

Soomaalida ku dhaqan Mombasa & Taariikhda Magaaladaasi

Image
Safar gaaban Oo aan ku gaaray magaalada  Mombasa  iyo wixii aan kala soo kulmay oo ku soo koobay Muuqaal iyo Cod ahaan… Magaalada Mambasa waa magaalo xeebeed aad u qurux badan lehna taariikh aad u dheer oo jirtay in muda ah waxaana lagu qiyaasay baaxad magaaladaasi   5.5 sq mi (14.25 sq km) taasi oo ku tusin karta baaxada magaalada iyo waxa ay qabato inta uu le egyahay.   Magaalada waa meel ay u soo dalxiisa tagaan dadka aduunka taa oo lagu xilanayo in ay tahay magaalo cimiladeeda aanan aheyn mid wax u dhimeysa qofka ka yimid xitaa dhul baraf ah waana mida igu kaliftay aniga qudheeda inaan soo booqdo magaaladaasi.   Mudo kooban oo aan joogay magaalada ayaan kusoo helay xog aad u badan iyo taariikhda magaalada anigoona booqanayay maalin walba Oo ka mid ah goobaha ugu qadiimsan magaaladaasi maadaama dadka daga ay ilaaliyeen waxyaabahaasi qadiimka ah.   Waxaa la rumeysan in magaalada Mombasa ay dhiseen Ganacsatadii Carabta aheyd ee inta badan adeegsan jiray xeebta magaa

Shaqaalaha Soomaaliya ma u tahay 1-da May maalin Qiimah leh?

Image
Xaalada dhabta ah ee Shaqaalaha Soomaalida!! Wareysiyo aan la yeelanay shaqaalo ku dhiban Dakada Muqdisho.. Hordhac Inkastoo maanta oo kale ay tahay maalinta shaqaalaha aduunka hadana shaqaalaha Soomaalida waxaan dhihi karnaa qiima uma laha dabaal-daga iyo damaashaadka shaqaalaha kale aduunka ay xiligaan sameynayaan. Magaalada Muqdisho oo u xaruun ah haatan wadanka ma jiraan wax hey’ada ah oo si gaar ah u daneynaya ama u daryeela qiimaha iyo xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed walow ay jiraan wasaarado sheegta SHAQADA & SHAQAALAHA hadana ma jiraan wax ku ool la taaban karo oo ay wasaaradaasi ka sameysay guud ahaan wadanka. Bosaaso waa xaruunta ganacsiga maamulka Puntland waxaana halkaasi ka jira dhaqdhaqaayo ganacsi oo ay wadaan ganacsatada hadana ma jiraan qiimo gaar ah oo ay leeyihiin shaqalaaha ka howlgala goobaha daabulida iyo dhoofinta magaaladaasi xiligaan. Maamulka ka taliya halkaasi ayaysan wax qiima ah ugu fadhin shaqaalaha waxaana dhacdo in shaqaalaha markii l

Farsamadii Laba Shariif & Geedigii Farmaajo By Mohamed Ibrahim Ayaanle

Image
Khilaafka Madaxda DKMG Soomaaliya oo ahaa mudooyinkii ugu danbeeyay mid sii jiitamayay ayaa waxa uu kusoo afjarmay shirar xasaasi ahaa oo ka kala dhacay Nairobi iyo Kampala kuwaas oo dhabarka ay ka riixayeen madaxda Qaarada Afrika iyo kuwa Qaramada Midowday u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo uu horkacayo Ambasator Mahiga.  Kulan ka dhacay Kampala ee caasimada Dalka Ugandha ayaa ahaa kii kamadanbeysta ahaa oo ay ku kala baxeen dhinacyadii is-heystay ee DKMG Soomaaliya gaar ahaan, waxa uuna khilaafka ahaa mid laba dhinac u qeybsanaa mudo afar bilood ka badan.  Inkastoo Khilaafka uu ahaa mid soo jiitamayay markii la doortay Farmaajo ayaa hadana Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Shekh Axmed waxa uu u ekaa in mida la safan dhanka R/wasaare Farmaajo ayadoona in muda ah ay ahaayeen kuwa isku xulufa ah oo ka soo wada horjeeda Shariif Xasan Gudoomiyaha Baarlamaanka oo kulamo aanan loo ogaalan ka qeyb galay dhamaadkii bisha May iyo June ee sanadkaan, hamigiisana uu ahaa sidii uu ku heli

Faallo….. Ileen Tarsan warkiisa waa run!!!!

Image
-          Sida uu u dhacay weerarkii UNDP.  June 19, 2013 -          Sida ay u galeen kooxo naftooda nacay xaruunta Maxkamada Gobolka Banaadir.  Apr 14, 2013 -          Sida loola eegtay qarxyada safaarada Turkiga Muqdisho . July 27th, 2013 -          Dilkii madaxda Sirdoonka Qadar Muqdisho,  May 9, 2013 Sheekada iyo taariikhda guud ahaan wadanka Soomaaliya uu soo maray waa mid caasho garata ah ayadoona dhamaan Soomaalidu meel walba ay joogaan ay aad uga dharagsanyihiin dhibka, jabka iyo guud ahaan rafaadka ay soo mareen shacabka dhiban ee mar walba lagu gandaraas raadiyo. 1991-2013 Wadanka waxa muda dheer gacanta uu ugu jiray kooxo aanan ilaahay aqoonin taa waxaan ula jeedaa kuwa dhiiga shacabka siyaabo kala gadisan u gadan jiray ayadoona ay ugu danbeyntiina ay soo wada xirmeen Oor la boodkii  dadka lagu kicin jiray in muda ah ha ahaato mid:  Qabiil ,  Deegaan ,  Siyaasad  iyo walba tii ugu danbeysay sida aan rumeysanahay ay aheyd mida  Diinta  gaar ahaan Diinta Islaamka