Posts

Showing posts from May, 2020

A study decentralized political Structures Somalia 1995

Image
 ********* A study decentralized political Structures Somalia 1995******* Somali have three fundamental options, that are consistent with democratic and consensual government, based on respect for the principles of self-determination and international law. If so, they have three fundamental option. They can agree:   To re-establish a united Somali, or To create a Union (or confederation) of the Somalias built upon the agreement of two or more states arising from the decomposition of the old Somalis Republic; To from tow or more independent states that have no constitutional views with one another. Click here to the article. ******Halkaan ka akhriso nuqulka oo dhameystiran !!!!****** Source: polisci.upenn.edu

Fadliga tobanka danbe ee Ramadan

Image
Si caadiga ah todobanka cisho ee bisha Ramadaan ayaa bilaabata habeenka 21-aad ee Ramadan. Maalmaha ayaa noqda 10 ama 9 cisho oo la macna ah hadba sida ay bisha ku dhamaato 29 ama 30 maalmood. Fadligeeda iyo qiimeheeda Tobankaan maalmodd ayaa ah maalmo aad ugu qiima badnaa Nabigeena Muxamad CSWS waxa uu ahaa mid ku laba jibaaro cibaadooyinka inta lagu guda jiro maalmahaan. Nabiga CSWS ayaa habeenadaas u u istaaga waxa ay u ahaayeen kuwa kaga gadisan habeenada kale. Waxa uu inoo sheegay nabigeena Muxamad CSWS sidoo kale in tobankaan cisho ay ku jirto hal habeen oo ka qiima badan kun bilood waa Leylatul-khadri , waxaa soo daga malaa’ikta ilaahay iyo raxmada Alle. Xafiis laga soo wariyay Caa’isha xaaska nabiga CSWS Nabiga waxa uu ahaa marka ay soo gasho tobankaan cisho mid dhexda xirta, nooleeya habeenkiisa salaad iyo wardi ku camira habeenkiisa. ففي الصحيحين عَنْ عَائِشَةَ رضي الله عنها قَالَتْ: "كَانَ النبي صلى الله عليه وسلم إِذَا دَخَلَ الْعَشْرُ شَدَ

Karantiilka Coronavirus & faquuqida Soomaalida qurbaha ku nool

Image
  Sida uu u saameeyay Soomaalida ku dhaqan wadamada Yurub, Mareekanka caabuqa Coronavirus!     Wadanka Iswiidhan ayaa ka mid ah wadamada aanan wali soo rogin wax bandhow ah in dadka ay guryahooda joogaan xili uu wali sii fidayo caabuqa coronavirus guud ahaan aduunka.   Dadka Iswiidhishka ayaa ah kuwa qaata awaamirta iyo soojeedinta dowladooda, ma ahan kuligood balse sida baaritaano lagu sheegay ilaa 90% boqolkiiba waa ku maqla talooyinka dowladooda. Kala fogaanshaha ilaa 2 mitir ayaa ah sharciga kaliye ee ilaa haatan dhaqan galay dalka iyo in dadka aysan isugu imaanin kulamada waa weyn.   Waxaa gabi ahaan furan dukaamada cunada lagu iibiyo, iskuulada hoose & dhexe, goobaha caafimaad, farmashiiyayaasha, goobaha jimicsiga iyo socodka wadooyinka ee la xiriira caafimaad iyo caadigaba dadka ayaad moodaa in ay qaadanayaan dhamaan talooyinka.   Wadamada kale ee qaarada Yurub ayaa alaabada la isugu dhuftay dhamaan adeegyada bulshada bilowgii jahwareerka coronavirus-ka sida iskuulada, jaama

Aflaamta hindida & saameynta ay nagu yeesheen!

Image
Xiriir dhaqameedka Soomaalida iyo Hindiyada   Taariikh ahaan waxaa la sheegaa in xiriirka Soomaalida iyo Hindida uu ahaa mid aad u qota dheer waxaana ka garan kartaa taariikhaha marka la sheegayo waxaa lasoo qaataa caalaqadii ka dhexeysay labadaasi dal oo soo jiray waqti badan. Soomaalida ayaa ereyo badan kasoo qaadatay xitaa marka la hadlayo oo aan ka xasuusto baraf.   Ganacsiga ka yimaado Hindiya oo ay ugu weyneed waxyaabaha cunada lagu darsado iyo la isku qurxiyo ayaa ahaa mid loo safar keeno dakada weyn ee Muqdisho inta la ogyahay intii u dhexeysay 1500- 1900 oo dalka Soomaaliya ay xukumi jireen boqortooyooyin ku hoos shaqeeya hanaan qabiil.   Buugii uu qoray Ibnu baduuda ayaa ahaa nuqul ka mid ah ka akhriyay in ganacsiga hidida iyo carabta uu ahaa mid aad looga dareemi jiray dhulka soomaalida.   Boqotooyooyinkii soo mar soomaaliya ayaa xiriiro wacan la lahaa wadamada Aasiyada fog iyo bariga dhexe ayagoona usoo mara jiray qaarada Africa dalka Soomaaliya ganacsiga ay usii wadaan da