Faallo….. Ileen Tarsan warkiisa waa run!!!!

-          Sida uu u dhacay weerarkii UNDP. June 19, 2013
-          Sida ay u galeen kooxo naftooda nacay xaruunta Maxkamada Gobolka Banaadir. Apr 14, 2013
-          Sida loola eegtay qarxyada safaarada Turkiga Muqdisho. July 27th, 2013
-          Dilkii madaxda Sirdoonka Qadar Muqdisho, May 9, 2013
Sheekada iyo taariikhda guud ahaan wadanka Soomaaliya uu soo maray waa mid caasho garata ah ayadoona dhamaan Soomaalidu meel walba ay joogaan ay aad uga dharagsanyihiin dhibka, jabka iyo guud ahaan rafaadka ay soo mareen shacabka dhiban ee mar walba lagu gandaraas raadiyo. 1991-2013
Wadanka waxa muda dheer gacanta uu ugu jiray kooxo aanan ilaahay aqoonin taa waxaan ula jeedaa kuwa dhiiga shacabka siyaabo kala gadisan u gadan jiray ayadoona ay ugu danbeyntiina ay soo wada xirmeenOor la boodkii dadka lagu kicin jiray in muda ah ha ahaato mid: QabiilDeegaanSiyaasad iyo walba tii ugu danbeysay sida aan rumeysanahay ay aheyd mida Diinta gaar ahaan Diinta Islaamka oo haatan kaabiga iyana u saaran sidii dadka ay uga aamin bixi lahaayeen hogaamiyaasha Soomaaliyeed haba sheegto diin xitaa.
1-dii bisha August hadalkii Gudoomiye. Tarsan “ Qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho  waa kuwa shabaab lagu wehliyo oo kaligood aysan awoodaasi laheyn”
Dibad baxyo looga soo horjeeday amaan xumida ka jirta gaar ahaan magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay hadalkaasi gudoomiyaha gobolka Banaadir ee xilikisa dheeraaday Maxamuud Axmed “ Tarsan” isagoo markaasi u ekaa ama muujinayay in uu jiro xiriir dhow oo ka Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo waliba Ururka Alshabab oo haatan ka taliya qeyba ka mid ah wadanka Soomaaliya awoodoodana la sheegay in ay sii liidaneyso markaan.
Eeda Tarsan oo aan ka helay war horleh
Gudoomiye Tarsan ayaa gaar ahaan waxa uu farta ku goday Odayasha dhaqanka Soomaaliyeed oo dhawaan ku fashilmay wada xaajood ay ka gadayeen madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu badbaadiyo ninka kasoo fakaday Alshabaab Xasan Daahir Aweys oo la rumeysanyahay in uu xabsi qarsoodi ah ku hayaan ciidanka dowlada Soomaliya.
Balse Tarsan ayaa iloobay in eeda uu dusha ka saaray Odaayaha ay sidoo kale jiraan masuuliyiin kale oo dowladana ka haya jagooyin sare iyana xirir dhow la leh alshabaab oo ay ugu horeeyaan madaxda Sirdoonka gobolka Banaadir iyo Police-ka Soomaaliya iyo xafiisyada madaxweynaha qaar ka tirsan.
Axmed Macalin Fiqi taliyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya
Khalif Erge taliyihii Sirdoonka gobolka Banaadir
C/laahi Xasan Bariise Afahayeenka ciidanka Police-ka Somalia
Dhamaan ragaasi waxa ay ka mid yihiin raga ugu horeeya marka la eego xiriirka alshabab iyo madaxda dowlada waa kuwa ka dalaalka ah xitaa hadii ay arin kasoo gasho xafiiska madaxweynaha 3-daan ruux ayaa fududeysa ka dib baaritaano dheer aan ku baadi goobayay sarta halka ay ka qurantay oo aan waday mudo 6-bilood.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa laba ka mid ah ragaan hawada ku baartay isagoona taliyaal cusub u magacaabay Sirdoonka iyo gobolka Banaadir oo ah rag aan si wacan u aqaano aanan la iiga sheekeenin.
Bashiir Maxamed Jamac aka Bashiir Goobe waxaa loo magacaabay taliya ugu sareeya ee Sirdoonka Soomaaliya waxa uuna horay uga soo qabtay dowlada jagooyin badan
Cabdi wahaab Maxamed Jimcaale aka Koofi ama Abdi mahadi oo aan isku meel kusoo wada kornay ahaana mudooyinkii ugu danbeeyay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha horayna u ahaa madaxweyne Shariif.
Balse suntii ay abuureen labadaas nine ee xilka laga qaaday ( Fiqi iyo Ereg) ayaa ah mid wali kasii guuxeyso magaalada Muqdisho oo maanta keentay in xitaa la qarxiyo baalayaasha oo ka mid adeegyada ugu hooseeya ee Shacabaka.
Xiriirka Shabaab & Nabad-sugida Somalia… 2012 – 2013
Sida aan ka warheyno wadan walba oo aduunkaan ku yaala waxa uu leeyhay ciidan ( Police, military, intelligence i.w.m) taa oo u sahli karta in si fudud ay dowlada u ilaaliso una xafdiso guud ahaan amaanka wadanka ay masuulka ka tahay.
Soomaaliya way ka gadisantahay wadamada kale oo waxaa wadanka ku sugan ciidamo loogu yeeray nabad soo celin ee loo yaqaano AMISOM oo mandate ka heysta Qaramada midowda dhaqaalahana siisa waxa ayna sugaan dhamaan amaanka madaxda dowlada waxa ayna si gaar ah u ilaalisa goobaha madaxda ugu sareeya ay ku suganyihin sida Garoonka diyaaradaha, Dakada iyo waliba meesha laga maamulo dowlada ee villa Somalia.
Marka laga soo tago dhanka AMISOM dowlada waxa ay leedahay nambar aad u badan oo ah ciidanka dharka cad ama intelligence oo inta badan bartimaamsado ama ka hortago fashiliyana maleegyo ka dhan ah dowlada ama shacabka waxaana u madax ahaa nin lagu magacaabo Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa liiska madax ka tirsan dowlada oo dhawaan laga soo saaray warbixin koox u qaabilsan UN-ka qeybta u dhanka monitoring-ka oo sheegay in ay si toos ah ula shaqeeyaan kooxda alshabaab.
Ciidanka Nabad-sugida Soomaaliya “Somali National Security Service “ SNSS” oo ka kooban 80% dhalinyaro dad’dooda ay ka yartay 25-sano asal ahaan markii hore ka yimid dhanka Alshabab ayaa guud ahaan wadanka la wareegay ayadoona dad badan xabsiyada la dhigay lagu eedeeyay in ay la shaqeeyaan Shabaab hlaka kuwii saxda ahaana habeenimo fadhigooda loogu geeyay alshabaab ee lagala baxo xabsiyada.
Baaritaan dheer ka dib ayaan ku ogaaday in ragii sahlay arintaasi ay ahaayeen labada taliye ee Sirdoonka Soomaaliya ugu sareeye ee kala ah Fiqi iyo waliba Ereg oo haatan labadooda la raacdeeyay oo uu daadka horay u qaaday.
Xiriirka Shabaab & Odayaasha
Sida aynu ka warheyno dhawaan isku day ay sameeyeen odayaasha dhaqanka oo aheyd in ay badbaadiyaan nolosha Xasan Daahir Aweys ayaa noqotay mid fashil kusoo idlaatay aygoo taa ka duula odayaasha ayaa raadiyay wadooyin kale oo ay ku lifaaqi karaan waxaan ula jeedaa odayaasha ayaa mashruuc ka raadiyay xaruumaha shabaab oo ay ku taamayeen in gandaraaskii Xasan Dahir badalkiisa ay heleen mid la mid ah dhankooda.
Hadii aan dib ugu laabano xasuusta odaayasha dhaqanka gaar ahaan kuwa beelaha Hawiye dagaalkii 2007-da ee kasoconayay magaalada Muqdisho 9-ka maalmood ee u dhaxeeyay ciidamada Ethiopia oo koox Soomaali oo isbaheysatay waxa ay ku lahaayeen door lama ilaabaan ah ayagoo arinta markii danbe ka dhigay qaab qabiil oo u ekeed in ay ku badbaadiyeen nolol badan hadana marka loo eego odayaashaasi waxaa ku jiray kuwa qalbigooda uusan wali ka tirtirmin qurunka iyo qabiilka oo kuwaana waxaa xustay taariikhda.
Waa run xiriir dhow waa uu ka dhexeeya odayaasha iyo alshabaab waxaana cadeyn ama daliil kuugu filan arinta Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo qaabkii ay warbaahinta uga hadleen odayaasha, dad badan oo arimaha Soomaaliya qiimeeya ayaa ku sheegay in Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ay yihiin kuwa wali aanan kaalintooda si toos ah looga faa’ideysanin marba cidii doonta ay ku baroor kacsadaan oo ay ugu danbeysay tii Xasan Dahir.
Abuurkii & kala oradkii Shabaab!!! Orgiga boohinta ka weyn
Sida aan lasocono Alshabaab waxa ay ka mid tahay kooxihii wadanka soo maray haba loo galiyo shaar Diimeed, waxa uuna abuurka Shabaab sii laba kacay markii wadanka ay kusoo duuleen ciidamada Ethiopia oo guud ahaan kala ceyriyay Midowgii Maxaakiimta Islaamiga oo mudo kooban wadanka dib ugu soo celiyay adeegyo badan oo shacabka ay mar qura wada qireen.
Kala cararkii Maxaakiimta waxa ay keentay in heshiis dhow lala galo gaar ka tirsan hogaankii maxaakiimta oo uu ugu horeeyay madaxweynihii Jamhuuriyada Soomaaliya 31 January, 2009 – 20 August, 2012 Shariif Sheekh Axmed.
Kooxo ku dhax milnaa Midowgii Maxaakiimta Islaamka oo ay ugu horeeyay Adan Ceyrow, Axmed Godane, Abu-mansoor Rowbo iyo Xasan Daahir oo isna budadiisa si gaar ah ay u tuneed ayaa dhagta isku sheegay in sameeyaan urur ka madax banana midka uu horkacayay Shariif Sheekh Axmed oo markaas noqday madaxweynaha wadanka, dagaal ka dib oo lagu qaaday taageerayaasha iyo ciidan u gaar ah una daacad ahaa madaxweyne Shariif ayaa la isugu keenay madaxtooyada villa Somalia oo aan xiligaas meel u dhow ku sugnaa waxa ay isku waafaqeen koox uu horkacayay madaxweyne Shariif oo la magac baxay Aalla-sheekh in ay bari’ ka noqdaan howlaha Alshabaab.
Inkastoo madaxweyne Shariif lagu sheego in uu ahaa ninka kaliya ee naas nuujita ku bilaabay Alshabaab hadana waxaa jiray siyaaysad qarsooneed uu horay hoosta uga xariiqay madaxweyne Shariifka oo aheyd in marka hore la helo magaalo la isku haleyn karo oo amaan buuxdo leh iyo waliba hoos nabadeed oo waxa uu isku dayay in uu soo jiito shacabka Soomaaliyeed oo ugu danbeyntii habeen cad si amaan ah doorasho xur ah lagu doortay madaxweynaha wadanka haatan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Inkastoo madaxweyne Shariif ay asxaab badan isku waayeen kursigaas oo ay ku jiraan madaxda Shabaab haatan iyo waliba qaar kaloo dhintay hadana iskuma uusan adkeynin sida madaxda Afrikaanta oo kale ee maalin cad ayuu boorsadiisa kasoo qaatay magaalada Muqdisho oo haatan si amaan ah ugu noolyahay wadanka Mareekanka.
Magaalada Muqdisho waxa ay aheydn mid maalin walba qaraxyo aysan ka dhicin wallow ay jireen qaraxyo dhaco hadan waxaa aad u sahlaneed in lasoo ogaado ama gacanta dowlada lagu soo dhigo canaasir badan oo si qarsoodi ah ugu dhax noolaa goobaha ay dowlada ka taliso waxaan horaantii iyo dhamaadkii 2010-2011 magaalada Muqdisho si buuxda u xukumayay dowlada Soomaaliya oo dhiiragalin ka heleysa beesha caalamka oo la jiqsaneed xiligaas.
Bixitaankii Shariif iyo awooda yar ee dowlada Soomaaliya waxa ay ku sheegaan dad badan oo indh-indheeya siyaasada Soomaali in ay aheyd bilowgii dimuquraadiyada waxa loogu yeero ayadoona awooda alshabaab xiligaasi ay aheyd mid dhulka sii galeyso hadan ma jirnin sabab loosii kobciyo sida ay aaminsanyihiin dadka qaar.
Magaalooyin iyo Tuulooyin badan ay kasii yaraaneysay amaanta alshabab ayadoona dowlada inta badan ay isku sii fidisay dhul badan oo horay gacanta dowlada in muda ah aysan arag waxaana ka mid ahaa qaar ka mid ah Shabeelada Hoose, Dhexe iyo waliba gobolka Hiiraan oo ay haatan qeybo ka maamusho dowlada Soomaaliya.
Xiriirka Shabaab & Maamulka Faroole
Sida aynu  ka warheyno sanadii na dhaaftay ee December 2012 waxaa lagu sheegay si qarsoodi ah loogu arkay ninka ugu sareeya dhanka Dacwada Ururka Shabaab Fu’aad Khalaf ee loo yaqaano “Shangole” iyo qaar ka tirsan ragga ugu caansan kooxda sida Sheekh Cabduqaadir Mumin oo ah ninka u qaabilsan dhanka fatwooyinka ama hoos ka xariiqida qofka la dilayo isagoo u raadiyo qiil ama dhaliil dhanka Quraanka iyo axaadiista oo ugu danbeyntii kooxda ay go’aanksaas raacaan.
Kulamo xasaasi ah oo u dhexeeyay madaxda Shabaab iyo waliba Sirdoonka Puntland ayaa ahaa mid intiisa badan lagu lafa-gurayay xiriirka Urur weynaha Ictisaam iyo maamulka Faroole ka dib markii Ururkaasi ay iska fogeeyeen eedeemo iyo dhibka kasoconaya dhulka Puntland oo la sheegay in Ictisaam ay ka masuul ahaayeen maadaama inta badan ganacsatada ugu waaweyn Puntland ay ayga yihiin ayna maalgaliyaan balse ugu danbeyntii eedaas meesha ayay ka baxday oo waxaa la arkay maalin cad in magaalada lagu dilo sheikh halkaas ka caan ahaa kana tirsanaa Ictisaam.
Danta Faroole oo aheyd mid dhaqaalo salka ku heyso ayaa ugu danbeyntii abuurtay in xiriir dhow uu la yeesho Ururka Shabaab ayagoona maalin walba howlgalo ay ka sameeyaan dhulka Puntland sirdoonkooda ay kusoo qabtaaan dadka reer koofureedka ah oo ay ugu danbeyntii ku kalifaan in ay la shaqeeyaan handadaado badan oo dadkaasi lagula kaco ayaa keento in ay la shaqeeyaan dhalinyaro badan oo mushaarkooda looga dhigo hadba warka ay soo sheegaan hadii uu yahay mid lagu kalsoonaan karo.
Sirdoonka Dowlada Somalia & Shabaab waa isku mid !!!
Maku fakirtay waligaa in labada sirdoon ee dowlada iyo Shabaab ee ku sugan magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa isku mid ah!!!
Cadey ayaan idiin hayaa:-
-          80% ciidanka u qoran Sirdoonka Dowlada Soomaaliya waa kuwa markoodii hore laga keenay dhanka Shabaab ama ku joogo qaab wada hadal.
-          Rag badan oo u shaqeeyo dhanka dowlada ahna madax ayaa howshaasi wax ka fuliyo una fududeeyo qaraxyada sida: dharka ciidanka iyo gawaarida.
-          Marka uu qarax dhaco oo baaritaano ay sameeyaan wariyaasha qaar waxaa dhacdo in hadana qalalaaso ka dhan ah wariyaasha la keeno sida lagu wariyaal badan oo aan usoo joogay kuna jiray sidii ay ku ogaan lahaayeen amaan xumida ka jirta xamar cida ka danbeysa.
-          Qarixii maxkamada gobolka Banaadir, UNDP, madixii Sirdoonka Qadar lagula eegtay KM4, Safaarada Turkiga waxa ay wada ahaayeen kuwa si qorsheysan u dhacayay ayadoona guud ahaan amaanka wadooyinkaasi ay ahaayeen kuwa la adkeeyay?  Maxay wali usoo saari weyday dowlada bayaan cad oo kala cadeyna wixii dhacay ama marka laga reebo in Shabaab ay dhanka warbaahinta ka sheegaan in ay ka danbeeyeen?
Gunaanud
Sida aynu ka warheyno qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalda Muqdisho wixii ka danbeeyay markii xilka madaxweynimo loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa kuwa qorsheysan ayadoona fal walba lagu qaarijinayay qof masuul ah goob mucayan ah iyo waliba siyaasad dhameystiran.
Wasaaradaha dowlada Soomaaliya ee loogu talagay in ay ilaaliso sugtana amaanka shacabka ayaa marka uu dhaco fal ceynkaasi oo kale ugu danbeyntii kusoo xira “ waan qabaneenaa cidii ka danbeysay falkasi iyo warar aan ka dagin shacabka Soomaaliyee”
Dowlada Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay kahor tagto amaan xumida ka jira wadanka ayadoona dowlada Turkigana ay tahay dowlada kaliya ee haatan dadka wax la taaban karo u haya shacabka Soomaaliyeed taas waa wax cad haba jiraan siyaasad qarsoon oo ay leedahay Turkiga hadan waxaa inooga muhiimsan waxa ay shacakeena u qabanayaan: ha ahaato gargaar, waxbarasho iyo waliba dhanka caafimaadka oo ay xamar ka sameeyeen goobo badan oo caafimaad ah.
Dhibkii dhacay looma kala harin hadana shacabka Soomaaliyeed ayaa in muda ah ku dhaxjiray siyaasado iyo danooyin kala gadisan oo midba xawaara gaar ah kusoconayay waxa ayna keentay in dad badan oo Soomaali ah ay ku dhintaan gudaha iyo dibada ayadoona ay ugu xumeed kuwa ilaa haatan ku dhamaanaya biyaha Yurub iyo Afrika u dhaxeeya qaar ayaa ku jiro xabsiyo qaarna lamaba oga meel ay jaan iyo cirib dhigeen Ilaahay u naxariisto Shacabka Soomaaliyeed oo markaan ka daalay colaad iyo dano shisheeye.
Mohamed Ibrahim Ayaanle
Somali Investigative journalistTwitter: @MohamedAyaanle

Comments

Popular posts from this blog

Fadliga tobanka danbe ee Ramadan

Kaftan & Kululeysi ~S1•E8 ~ Sufyaan+FBI vs SOMALI maryooleey