Farsamadii Laba Shariif & Geedigii Farmaajo By Mohamed Ibrahim Ayaanle

Khilaafka Madaxda DKMG Soomaaliya oo ahaa mudooyinkii ugu danbeeyay mid sii jiitamayay ayaa waxa uu kusoo afjarmay shirar xasaasi ahaa oo ka kala dhacay Nairobi iyo Kampala kuwaas oo dhabarka ay ka riixayeen madaxda Qaarada Afrika iyo kuwa Qaramada Midowday u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo uu horkacayo Ambasator Mahiga. 

Kulan ka dhacay Kampala ee caasimada Dalka Ugandha ayaa ahaa kii kamadanbeysta ahaa oo ay ku kala baxeen dhinacyadii is-heystay ee DKMG Soomaaliya gaar ahaan, waxa uuna khilaafka ahaa mid laba dhinac u qeybsanaa mudo afar bilood ka badan. 

Inkastoo Khilaafka uu ahaa mid soo jiitamayay markii la doortay Farmaajo ayaa hadana Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Shekh Axmed waxa uu u ekaa in mida la safan dhanka R/wasaare Farmaajo ayadoona in muda ah ay ahaayeen kuwa isku xulufa ah oo ka soo wada horjeeda Shariif Xasan Gudoomiyaha Baarlamaanka oo kulamo aanan loo ogaalan ka qeyb galay dhamaadkii bisha May iyo June ee sanadkaan, hamigiisana uu ahaa sidii uu ku heli lahaa dhaqaalo xoogan uu ku kala maareeyo taageerayaashii Xildhibaanda Baarlamaanka si markii uu rabo uu uga helo cod uu ku maareeyo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo markaan u soo jeestay dhaqaalo raadin. 

Ka dib kulankii ka dhacay Kampala ayaa waxaa halkaasi ka soo baxay go'aano inta badan Soomaalida aysan jecleysan taa oo aheyd in R/wasaare Farmaajo in uu isaga tago xilkaasi maadaama khilaafka madaxda DKMG Soomaaliya oo sii laba jibaarmayay xili walba taa oo ay ka dhiidhiiyeen guud ahaan Soomaalida ku dhaqan aduunka oo dhan waxaana jawaab looga dhigay dibadbaxyo la ogaa waxa ay keeneen oo ka kala dhacay gobolada dalka Soomaaliya iyo waliba dalka dibadiisa. 

Farmaajo oo ay hordhigeen beesha caalamak laba mid dooro ayaa u ekaa in uu qaatay midi Sharaftiisa ay ku badbaadeysay ayadoona loo sheegay ama lagu wada heshiisay isacazilaadiisa sida aan ka arkay qodobadii ka soo baxay shirkaasi iyo afka madaxweyne Shariif oo mudo 73-saacadood ka aamusnaa arimaha ka soconaya Muqdisho. 

Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxa ay ka mid aheyd goobaha ugu badaa oo ay ka dhaceyn dibadbaxayaasi ayadoona durba laga dareemay shacabka iyo Ciidanka DKGM Soomaaliya niyad jab xoogan oo ay ka muujiyeen siyaasada dibada iyo faragalinta lagu hayo siyaasada Soomaaliya haatan iyo mar horaba, waxaana ka dhacay Muqdisho banaanbaxyo qasaaro wata oo gilgaliyay guud ahaan magaalada Ilaa la gubay Hotelo Xildhibaano ay ku jireen sida Hotel Madiina oo ku yaal Muqdisho. 
Waxa ay ahaayeen Jawaabta Shacabka maadaama ay la dhaceyn mudii Farmaajo waxa uu ka qabtay dalka. 

Sirta ka danbeysa in uu iscazilo Farmaajo! 

Inkastoo Farmaajo ay la dhacsanyihiin siyaasiyiinta Mareekanka hadana waxa uu noqday laf dhuun gashay oo ku taagan Siyaasiyiinta Soomaaliya oo markii la horkeenay ansixintiisa ay ka dhargi waayeen siyaasad ahaan waxa uu yahay Farmaajo balse Oct 14th, 2010 halmar ayaa si maquunis u ek waxaa la arkay ayadoon Baarlamanka ay si toos ah ay u ansixiyeen xilkaasi oo in ka badan mudo 48-saacadood Madaxweyne Shariif uu kala tashanayay beesha caalamka iyo waliba Xildhibaanda qaarkood. 

Farmaajo oo ah 49-jir wuxuu Diplomaasi ka ahaa safaaradda Soomaaliya ee Washinton sannadihii sideetameeyadii, 15kii sano ee ugu dambeeyey wuxuu ka shaqaynayey Hay�ado xuquuqda aadanaha qaabilsan oo fadhigoodu yahay Maraykanka. 

Intaas oo dhan waxa ay ka daadagi weyday Shariif Xasan Sakiin oo isaga qudhiisa si musuq maasuq loogu doortay xilka haatan uu hayo ee ah Gudoomiyanimada, waxa uuna isku dayay ilaa markii la doortay Farmaajo sidii uu meesha uga saari lahaa maadamaama Farmaajo uu sheegay in dalka uusan u imaan in uu dhaqaalo abuurto uuna yahay muwaadin kuna soo kordhin doono dhaqan aanan horay loo arag. 

Waxqabadkii R/wasaare Farmaajo mudadii ay jirtay xukuumadiisa Khilaaafkii soo kala dhaxgalay R/wasaarihii hore ee DKMG Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu keenay in isku dhaxyaac xoogan uu soo kala dhaxgalo madaxda DKMG Soomaaliya taa oo ugu danbeyntii keentay in booska uu ka baxo Cumar C/rashiid Cali Sharmaake. 

Markii xilka loo doortay Farmaajo durba waxaa lagu arkay Golihii Waziirada isagoona ku dhawaaqay tiro kooban oo waziira ah waxa uuna ku guuleystay in uu xakameeyo isku dhaxyaaciii ka jiray dhanka ciidamada iyo guud ahaan golaha waziirada oo xiligaasi qalqal siyaasadeed ay soo galay. 

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ah aqoonyahan Somali ah heysta dhalashada wadanka Mareykanka in baddanna ka soo shaqeeyey dowladaha hoose ee gobolada mareykanka ayaa tan iyo intii xilka loo maga caabay waxa uu sameey isbedel aad u sareeyo kaas oo run ahaantii keenay in ay hesho sumcad iyo magac qaali ah DKMG Soomaaliya. 

Waxa uu dib isugu shaandheyn ku sameeyey golahii wasiirada ku saleysnaa habka qabiilka iyada oo markii uu xilka qabanayay Farmaajo ay ahaayen tirada wasiiradda iyo Wasiiru Dowlayaasha ilaa 40-meeyo taas oo uu kusoo koobay kaliya soona xushay tiro dhan 18 wasiir oo lagu soo xushay howl karnimadooda, aqoontooda iyo daacadnimadooda.

Waxa ay Dowlada bilawday in ay Mushaaraad sax ah siiso markii ugu horeeyey ciidamada qalabka sida, in la soo celiyo nidaamkii iyo amaanka qaranka iyo in la dhaqan galiyo sharciyada dowlada dhexe, tusaale ahaan waxa dhamaan isbedel buuxa lagu sameey hey�adaha amaanka qaranka iyadoo xilka laga wada qaaday dhamaan waxii calooshood u shaqayste yaal ahaa, taliyaal cusub oo damiir wadaniyad lehna loo maga caabay taliska ciidanka. 

Waxa dayactir lagu sameey xarumo fara badanoo dowladu leedahay, waxa dib loo soo celiyay ilaalinta hawada soomaliyeed taas oo in kabadan 20 sano ay maamuli jireen hey�ado caalami ah. 

Waxa kaalmooyin iyo deeqo loo fidiyay naafadi xooga dalka somaliyeed sidoo kale waxa la caawiyay dad fara badan oo kutabaaleysan gudaha dalka, waxa la adkeey amaanka airporka, waxa si hufnaani ku jirto loo maareeyay miisaaniyadda dowlada iyo dakhliga soo galo iyadoo si cadaalad ah loo sii mushaaraat koodii dhamaan waxii shaqaale dowladeed ah. 

Waxa ay Wasaarada Gaashaandhiga Qaranka bilowday howlgallo Ciidanka Qalabka sida uu kula wareegayo guud ahaan dalka, loogana cirib tiraayo cadowga umadda,Dowlada uu madaxda ka yahay farmaajo howlgalada waxa ay gacanka ku hayeen Shabaab in kabadan 70% iyadoo maanta ay ka arimiyaan 70% magaalada dowlada uu hogaamiyo ra�iisul wasaare farmaajo taas oo ku timid kaliya dadaalka hufan oo ay bixisay dowladiisu. 

R/wasaare Faraamjo waxa uu Isha Shacabka ku dareensiiyay ilaa 20 Shirkadood oo si Xaaraan ah uga shaqeynaya dalka ayagoon wax la ogeen mudii xukuumada Shariif ay jirtay waxa uuna isku shaandheyntiisa ku beesgareeyay hadafka uu kula dagaalamayo musuq maasuqa ka jiray gudaha xukuumada iyo waliba Dowlada. 

Dadaalaadaasi oo dhan ayaa ahaa kuwa oo maalin cad uu ku dhiirtay R/wasaare Farmaajo balsejawaabta dadaalkasi ayaa waxa ay noqdeen mid lama filaan ahaa mar qur'a gilgilay siysaasada Soomaaliya. 

HADAFKA LABADA SHARIIF 

Mar hadii heshiis lagu gaaray in uu iscazilo R/wasaare Farmaajo baahida xiligaan keentay ayaan u kala qeybin doonaa sidaan soo socoto"- 

1. Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo ahaa ninka salka ka haya Ololka siyaasadeed ee ka soconaya Soomaaliya ayaa xiligaan ah mid ku qanacsan ayadoona fikirikiisa uu ahaa mid shaqeeyay marka loo eego sida ay wax u soconayaan. 

2. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo isna xiligaan ilaashana Kursigiisa ayaa waxa uu yahay mid ku qanacsan ama ku aamusan sida ay wax u soconayaan. 

3. Golaha Waziirada DKMG Soomaaliya oo iyana boorkooda laga kacay ayaa ka walwalsan waxa ay ku guuleysteen mudada 5-bilood iyo wijiga cusub oo ay ku soo kordhiyeen xiligaan Soomaaliya. 

4. AMISOM oo haatan u ek in ay tahay ciidanka Qaranka Soomaaliya lana dhacsaneed dibadbaxayadii ka soconaya Muqdisho ayaa iyana dhankeeda waxa ay tahay mid ka wardhowreyso iscazilaada Farmaajo ka dib xiligaan. 
Dhamaan Ilahaasi ayaa u ek kuwa aysan arag Labada Shariif xiligaan waxa ayna isku afgarteen in ay Kuraastooda ay salka ku sii ceshtaan xiligaan waxaana hadafkooda ugu weyn sidii ay horay ugu sii dhuuqi lahaayeen tubadii Farmaajo uu jaray 5-bil ka hor. 

Waxaan aqriyay bayaankii ka soo baxay shirkii Kampala anigoo la yaaban sida ay wax u saxiixeen labada Shariif ayaan hadan waxaan la yaabay labada ma yaqaaniin afka English-ka waxaana la horkeenay in ilaa 10-qodob oo ugu danbeyntii saxiixa ku duugeen. 
Waxa uuna ahaa hal ku dhiga labad Shariif "Maxaa iga galay mar hadii aan kursigeyga aan helayo" 

GUNAADAD 
Qaaradaha Europe & America ayaa waxaa haatan ka soconay dibadbaxyo lagu taageerayo waxa uu qabtay Farmaajo iyo xukuumadiisa ayadoona taczi looga dhigay Minnesota Farmaajo oo looga yeerayo in uu isaga soo laabto Soomaaliya maadaama xiligaan aanan looga baahneen ninkii wax qabta waana jawaabta dad badan ka dhaadhacsan. 

Inksatoo go'aanka uu yahay in uu isacazilo Farmaajo mudo bil gudeheed ayaa hadana waxaa wali ka daadagi la' Farmaajo qaab xumada labada Shariif taa oo u ek wixii horay loo arki jiray laga soo bilaabo Dowladii C/Qaasim oo mar qura' ah yeelatay Cali Khaliif & Xasan Abshir, waxaana ka sii danbeeyay tii C/laahi Yusuf oo iyana Cali Geedi & Gacama dheere la iska daba keenay, mida haatan jirtana waxaa horay loo cunay Cumar C/rashiid oo u ekaa nin wax badan ku soo kordhin kara xili ahaantaasi dalka. 

Isku soo wada duuboo shacabka Soomaaliyeed ayaa xiligaan iyana waxa ay yihiin kuwa wax badan ka bartay dadka ku qaraabta Diinta Islaamka gaar ahaan Madaxweynaha oo markiisa hore ka soo galay siyaasada dhanka Islaamiyiinta waxaadna moodaa in beesha caalamka ay mar mar ku ciyaareyso sumcada Soomaalida oo la ogaaday In ay ku egtahay in ay wax cunaan oo kaliya. 

Mohamed Ibrahim Ayaanle 
Freelance Journalist 
Ayaanle19@gmail.com 

Comments

Popular posts from this blog

Fadliga tobanka danbe ee Ramadan

Kaftan & Kululeysi ~S1•E8 ~ Sufyaan+FBI vs SOMALI maryooleey