Shaqaalaha Soomaaliya ma u tahay 1-da May maalin Qiimah leh?

Xaalada dhabta ah ee Shaqaalaha Soomaalida!!
Wareysiyo aan la yeelanay shaqaalo ku dhiban Dakada Muqdisho..
Hordhac
Inkastoo maanta oo kale ay tahay maalinta shaqaalaha aduunka hadana shaqaalaha Soomaalida waxaan dhihi karnaa qiima uma laha dabaal-daga iyo damaashaadka shaqaalaha kale aduunka ay xiligaan sameynayaan.
Magaalada Muqdisho oo u xaruun ah haatan wadanka ma jiraan wax hey’ada ah oo si gaar ah u daneynaya ama u daryeela qiimaha iyo xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed walow ay jiraan wasaarado sheegta SHAQADA & SHAQAALAHA hadana ma jiraan wax ku ool la taaban karo oo ay wasaaradaasi ka sameysay guud ahaan wadanka.
Bosaaso waa xaruunta ganacsiga maamulka Puntland waxaana halkaasi ka jira dhaqdhaqaayo ganacsi oo ay wadaan ganacsatada hadana ma jiraan qiimo gaar ah oo ay leeyihiin shaqalaaha ka howlgala goobaha daabulida iyo dhoofinta magaaladaasi xiligaan.
Maamulka ka taliya halkaasi ayaysan wax qiima ah ugu fadhin shaqaalaha waxaana dhacdo in shaqaalaha markii laga gaaro dantii laga lahaa si arxan daro looga tago meel cidla ah.
Hargeysa waa halka looga taloyo maamulka la magaca baxay Somaliland oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku ooyay in la aqoonsado balse beesha caalamka ay iska indha tirtay waxaana la sheegayaa in ay ka mid tahay goobaha ugu amaanka badan guud ahaan wadanka hadana kama jirto qiimo gaar ah uu ku fadhiyo shaqaalaha Soomaaliyeed.
wasaaraha maamulkaasi ayaa ku mashquulsan intooda badan dhanka siyaasada ayadoona cirka u fiiriso marka ay dhamaadaan shaqooyinka shaqaalaha ay ka hayaan goobaha gacan ku maalka oo inta badan shaqaalaha lagu dhibo.
Dhibaatooyinka Shaqaalaha Soomalida “Dakadaha”
Daryeel la’aanta waa astaanka u gaar ah shaqalaaha Soomaaliyeed xiligaan waxaana dhacdo in shaqaalaha gaar ahaan Dakadaha ay yihiin kuwa ugu shaqada badan uguna daryeelka xun marka loo eego kuwa kale ee shaqooyinka gacan ku maalka ka haya magaalooyinka wadanka.
Calasow Adan Cali waxa uu ka mid yahay shaqaalaha Dakada weyn ee Muqdisho waxa uuna shaqadaasi hayay mudo aad u dheer waxa uu ahaa nin ka xamaalan jiray tobonkii sano ee la soo dhaafay, waxa uuna leeyahay caruur uu isaga dhalay iyo kuwa kale uu Awoowe u yahay oo gaaray ilaa 15-ruux dhamaantoodna isaga ayay sugaan oo quutul-yoomkooda u doono.
Calasow waxa uu ii sheegay in isagoo xiligaan ah nin da’ ah hadana uusan ka maarmin shaqada maadaama intaasi oo naf ay wax ka sugeyso hadana waxa uu kala kulmaa dhanka shaqada dhibaatooyin aad u fara badan oo isagu jirto dhaqaalo xumo iyo waliba mid mooraal ahaan taa oo ku keentay in kusii adkeysto in shaqadaasi uu sii wato.
” waxaan qaadaa waxyaabo aad u culus oo xitaa dhib dhanka jismi ahaan ii geysto , hada waxaa aad ii xanuuno dhabarka oo inta badan aan wax ku qaado” sidaasi waxaaa ii sheegay isagoo Ilin ay ka socoto Calasow oo 52-sano jir ah.
Inta dhibkaasi uu marayo Calasow waxa uu mushaar ahaan u qaataa maalintii 100,000 Sh.S ( Boqol kun) oo u dhigmato 3.5 Dollar iyo 15-ruux oo guriga u fadhisa.
Ururada Xuquuql Shaqaalaha maxey ka qabteen xaaladaasi?
Dhamaan Ururada ka howlgala wadanka Somalia waa kuwa magaca ay wataan iyo howlaha ay hayaan aan islaheyn taa waxaa daliil u ah dagaalka xooga leh oo ay ku doonayaan sidii ay ku heli lahaayeen dhaqaalo oo gaaray heerkii ugu sareeyay waana mid ugu danbeyntii ku keenta in ay kala garan waayaan xaqa uu leeyahay qofka dad masuuliyadeeda qaado ama wax loogu soo dhiibo.
Ma jiraan Hey’ada maxali ama Caalami ah oo dareeylka shaqaalaha ku il-dheer ama ka naxa ayadoona mid walba ay ka eegato danta gaarka ah ay ka leedahay dhaqaalaha u codsato in ay ku fulin doonto mashaariic oo ugu danbeyntii ay ku kala baxaan ama ay kusoo kala qeybsadaan wadanka banaankiisa oo ay wadanka kusoo laabtaan ayagoo gacmo maran waxa ay bayaano ay soo saaraan ku sheegaan in ay wax u qabteen dad badan oo dhiban taa oo ay ka been sheegaan magaca ay ku qaraabtaan.
Doorka Shaqaalaha Soomaalida ay ku leedahay DKMG
Waxaa jira shaqooyin badan oo ka banaan xafiisyada DKMG Somalia hadana ma ah mid ku wada filan dadka shaqa la’aanta ah ee ku sugan wadanka gudihiisa waxaana jiro sababo badan oo keeni karta in shaqaalahaasi ay uga fogaadaan: -
1. Amaanka dhanka DKMG oo aan la isku haleyn karin
2. Shaqaalaha oo lagu xusho qaab garab.
Markii aad ka shaqeyneyso xafiis dowladeed waa mid qiima weyn kugu leh marka loo eego aqoontaada iyo waliba dadaalkaaga hada cabsida waa xaruunta ugu horeysa oo laga duulo, magaalada Muqdisho haatan 80% waxaa gacanta ku haya Ciidamada DKMG Somalia dhan ciidan iyo waliba dhanka logistic-ka ba balse waxaa jira wali canaasiir indha ku garaadle ah oo nafta Aadmiga ay la fududahay waxaana dhici karo in lagugu qabsado sidee ugu shaqeyn kartaa DKMG Somalia oo dhanka Shabaab ay ula muuqato Dowlad Murtidad ah.
Xulasha Shaqaalaha ayaa inta badan waxaan laga weyn Qabiil, shaqsi shaqsi ku raadi taa oo ugu danbeyntii keento shaqadaasi in uu waayo qofkii aqoonta iyo caqliga u lahaa oo joogo qof meesha lagu ilaaliyo waana xanuuna noogu weyn ee naheysto hadaan nahay Soomaali.
Doorka Dowlada Turkiga ee Soomaaliya
Xuquuqda Shaqaalaha Soomaaliyeed waa mid lama taabtaan ah hadana waxaa aad u yar shaqaalaha Soomaalida shaqooyin ay heli karaan xiligaan ayadoona bilihii lasoo dhaafay wadanka mashaariic gacan ku rimis ah ay ka wadeen dowlada Turkiga oo haatan dooneyso in ay Muqdisho ka sameyso Suuqa ugu weyn ee wadanka waxaana jira ganacsato badan oo ku heelan xiligaan sidii ay ku sameyn lahaayeen hogaan mideysan si ay u wiiqaan dadaalka Turkiga aan wali kala cadaan balse dan badan ay ugu jirto Soomaalida oo xiligaan dhan walba ka daashay balse la arki doonee waxa ay ku danbeyso.
Shaqaalaha Soomaalida 1-da May uma ah maalin weyn taana waxaan ku macneyn karaa fursado shaqo oo aad u buuran xiligaan oo aan jirin iyo waliba rajo xumada wali ka taagan wadanka oo ah mid aan sal balaaran laheyn xiligaan.
Mohamed Ibrahim Ayaanle
Ayaanle19@gmail.com 

Nairobi, Kenya


Read more: http://www.qaranimo.com/2012/05/01/shaqaalaha-soomaaliya-ma-u-tahay-1-da-may-maalin-qiimah-leh-warbixin-xiisa-leh/#ixzz3Ynbn9fp9

Comments

Popular posts from this blog

Fadliga tobanka danbe ee Ramadan

Kaftan & Kululeysi ~S1•E8 ~ Sufyaan+FBI vs SOMALI maryooleey