Soomaalida ku dhaqan Mombasa & Taariikhda Magaaladaasi

Safar gaaban Oo aan ku gaaray magaalada Mombasa iyo wixii aan kala soo kulmay oo ku soo koobay Muuqaal iyo Cod ahaan…



Magaalada Mambasa waa magaalo xeebeed aad u qurux badan lehna taariikh aad u dheer oo jirtay in muda ah waxaana lagu qiyaasay baaxad magaaladaasi 5.5 sq mi (14.25 sq km) taasi oo ku tusin karta baaxada magaalada iyo waxa ay qabato inta uu le egyahay. 
Magaalada waa meel ay u soo dalxiisa tagaan dadka aduunka taa oo lagu xilanayo in ay tahay magaalo cimiladeeda aanan aheyn mid wax u dhimeysa qofka ka yimid xitaa dhul baraf ah waana mida igu kaliftay aniga qudheeda inaan soo booqdo magaaladaasi. 
Mudo kooban oo aan joogay magaalada ayaan kusoo helay xog aad u badan iyo taariikhda magaalada anigoona booqanayay maalin walba Oo ka mid ah goobaha ugu qadiimsan magaaladaasi maadaama dadka daga ay ilaaliyeen waxyaabahaasi qadiimka ah. 
Waxaa la rumeysan in magaalada Mombasa ay dhiseen Ganacsatadii Carabta aheyd ee inta badan adeegsan jiray xeebta magaaladaasi ayadoona la rumeysan in ay ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee deegaankaasi ku abuuray dadka ama beeray in dhul ahaan loo dago maadaama inta badan dadka Afrikaanta ay u badnaayeen kuwa mushquulsanaa beer falowga iyo ugaarsiga. 
Qarnigii 11-taad ayaa la rumeysanyahay in magaala xeebeedka Mombasa ay Ooda ka qaadeen Tujaartaasi Carabta ah ee adeegsan jiray inta badan dhulkaasi ayadoona magaalada u soo ganacsi tagi jiray ilaa xiliyo danbe oo ay isbadaleen siyaasada dhulkaasi waxa ayna halkaasi ka dhiseen Masaajido iyo dhismayaal Qadiima ah sidoo ganacsatadii kale ayaa iyana waxa ay halkaasi ka dhiseen Macbadyo iyo goobo kale oo wax lagu caabudo. 
Sanadii 1498 vasco da gama ayaa soo booqday xiligaasi ku jiray wareegiisa ku aadanaa In uu ogaado dhulal badan oo ku yaaal caalamka waxa uuna joogay in muda ah. 
Inta badan waxaa xeebtaasi aad u adeegsan jiray ganacsatada Carabta, Hindida, Burtiqiisa iyo waliba Furusta iyo waliba Turkiga ayadoona magaalada keeni jiray magaalada dhamaan waxyaabaha ay u baahantahay waxaana ka mid ahaa waxa ay keeni jireen Sokorta, Zanjabiilka, Sizar-ka, Suufka, iyo waliba Jos hindiga. 
Istiraatij ahaan Mombasa 
Inkastoo magaalada ay tahay magaalo Qadiimi ah hadan marka loo eego dhanka Istiraatiijiyada waxaad u maleysaa in ay tahay magaalo isku xiri karta dalal badan oo ku yaala xeeba qaarada kuwaasi oo markii danbe uu kusii fiday ganacsiga Carabta oo ahaa mid isaga qudhiisa Qadiima ahaa balse markii danbe ay ku soo biireen dalal badan oo caalamka xiligaasi aad ugu dhuun daloolay ganacsiga waxaana ka mid ahaa marka laga tago dalalka carabta dalalka la jaarka ah ee Turkiga iyo Iiran iyo Hidiga oo xiligaasi hawada sare sii marayay. 
Magaalada waxa ay xuduudo dhow dhow la wadaagtaa Jaziirado badan oo ku yaala qaaradaAfrica kuwaasi oo ganacsiga Carabta uu kusii fidayay mudooyinkii ugu danbeeyay. 
Magaalada waxa ay leedahay labo Dakadood ayadoona ilaa haatan ay shaqeyneyso Dakadkii Qadiimiga aheyd oo ay dhiseen Carabtii xiligaasi keeni jirtay magaalada Badeecooyinkooda waana mid ilaa haatan aanan isbadalin marka laga reebo muuqaal ahaan oo ay isbadashay laakin wali waa la isticmaalaa dakadasi sidoo kale waxa ay Mombasa leedahay dakada ugu weyn ee dalka Kenya taa oo haatan laga soo dajiyo dhamaan waxa dalka looga baahdo. 
Muuqaalka Magaalada Mombasa… DHISMAHA 
Magaalada haatan waa mid camiran dhan walba inkastoo wali ay kusii danbeeyay dhismooyinkii Qadiimiga ahaa hadana cidii aragtaa way dareemi kartaa in magaalada ay tahay magaalo Qadiimi ah Soomaalida waxa ay soo xasuusan karaan sida degmada Xamarweyne iyo Shibis barisamaadkii oo kale. 
Dadka ku dhaqan magaaladaasi waa dad iyaga qudhooda Qadiimi ah waxa dareensanyihiin in ay yihiin qadiimo ah waana mida ii saamaxday inaan booqdo goobo badan oo ku yaal magaalada anigoo xiligaasi taageero ka helay Wariyaal kale oo ku sugnaa magaalada in muda ah. 
Waxaan la kulmay xaafado badan oo ay Soomaalida caadi u daganyihiin kuwaa oo marka loo eego Nairobi ka qiima iyo muqaal wacan waxaana macquul inaad ku hesho aqal dhan lacag dhan 120 Dollar US halka marka aad joogto Nairobi na aad ku heleyo sadax jibaar lacagtaasi. 
Soomaalida waxa ay u badanyihiin xaafadaha Boondheeni, Ferry oo ka mid ah xaafada ugu dhisma wacan magaalada marka laga soo tago town-ka waxa ay Soomaalida ku leeyihin halkasi gacansi aad u balaaran. 
Ganacsi Magaalada Mombasa & Somalida 
Inkastoo magaalada ay tahay magaalo ganacsi hada Soomaalida magaaladasi ku dhaqan waxa ay halkaasi ka sameysteen ganacsiyo badan ayagoona ku dhax milmay Quumiyadaha kale ee magaalada ku dhaqan. 
Ganacsiga u weyn Soomaalida ayaa ah mid ku tiirsan ama kasoo gala ilo badan oo ay ka midyihiin dhanka dakada oo ay ku qaataan kana soo dajiyaan badeecado laga keenay Somaliaiyo waliba dunida kale waxaa sidoo kale jira ganacsiyo badan oo ay Soomaalida ku dhaxleeyihiin gudaha magaalada. 
Hotelo, Maqaaxido, Dukaamo iyo waliba goobaha lagu iibiyo waxyaabaha Elecetrika ayaa ka mid ah ganacsiga Soomaalida ay ku hayaan magaaladaasi ayadoona aan la sheekeestay ganacsato badan ay ii sheegeen in ku qanacsanyihiin ganacsigooda. 
Madaahibta & Goobaha Cibaada & Qubuurta 
Markii ugu horeysay ee aan gaaray magaalada waxaayaabaha aadka iisoo jiitay waxa ay aheyd in dad aan isku ekeen muuqaal ahaan laakin isa shaabaha ay ku suganaayeen magaalada ayadoona dadkaasi farac ahaan ay kala gadisnaayeen hadana waa ay kala gadisnaayeen dhanka Madaahinta Diinta.
Waxyaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ahaa in dadka ku dhaqan Mombasa ay ku wada dhaqaan 4-ta Madahab ee Islaamka ( Ima-shaafici, Xanbali, Xaniifa, Maalki ) waxaana arkeysaa ama aad maqleysaa xiliyada qaar ayadoo salaada qeyb qeyb loo Adimayo waana mida keentay in dadkaasi ay ku kala madaahab badashaan maadaama dadka ay kasoo kala jeedaan qoomiyado kala duwan. 
Soomaalida oo lagu tiriyo intooda badan madhabka Shaaficiyada ayaa iyaga halkaasi ku leh hal Masjid oo ay si toos u maamulaan kaa oo loogu magac daray AL-FURQAAN waxa uuna ku yaala xaafada Boondheeni oo qaab ahaan u ek Boondheeri sida magacana u dhow. 
Dhanka Qubuurta magaalada waxa ay leedahay Qubuuro u gaar ah Qoomiyad walba ayadoona markii aan magaalada gaaray aan la kulmay Qabuur cusub oo la furayo taa oo ay si gaar u leeyihiin Carabta. 
Mid ka mid dadka horbooda Soomaalida oo aan kula sheekeystay ayaa ii sheegay in Somalida qudhooda xiligaan la siiyay goob ay ku aastaan meydkooda waxa ayna ka mid tahay dareenka Soomaalida ay u hayaan dadka halkaasi dagan.


Jaaliyada Soomaalida Mombasa 
Soomaalida ku dhaqan Mombasa aad ayay uga yaryihiin marka loo eego Soomaalida kale ee ku dhaqan dalka intiisa kale gaar ahaan magaalada Nairobi waxaana lagu qiyaasaa ilaa dhow kun sida uu ii sheegay Hassan oo horay u ahaan jiray hormuudka Jaaliyada Soomaalida Mombasa. 
Intooda badan Soomaalida waa ay iska warhayaan wallow aysan si toos ah aysan isu gargaarin sida magaalooyinka kale taa oo aan ogaan waayay sababta balse dadka ayaa ii sheegay in ay ugu wacantahay dadka oo wada dad iskooda u wada mashquuulsan.

Madaaris Goobaha Waxbarasho
Soomaalida ku dhaqan magaalada Mombasa ayaa ka dhisay magaalada dhismayaal cajaaib badan oo ay ku jiraan dhismayaal waxbarasho taa oo ku dhiiragalisay in soomaalida ay ku dhiirataan in ay magaalada sidaas u dhisaan wixii ka danbeeyay markii magaalada ay dib ugu soo laabteen soomaalidii 10-sano ka hor gaadhay dalalka Caalamka kuwaa oo haata la yimid dhaqaalo iyo waliba aqoon ay doonayaan in caruurta jiilalka soo socda ay ku badbaadiyaan magaalo ay ku suganyihiin Muslim.
Waxaana maalin walba jira caruur iyo dad waaweyn oo aroortii hore u kalaha goobaha waxbarasho kuwaa oo quudareyna in ay guul ka gaaraan aqoontooda waana mida ku xajisay Soomaalida in ay halkaasi ka sameystaan goobo waxbarasho oo xitaa caruurtooda lagu barayo Afka Soomaaliga.

Hotel-da & Goobaha Dalxiisa
 Magaalada Mombasa waa magaalo aad u quxu badan waxa ayna leedahay goobo badan oo loosoo dalxiis tago taa oo aad ku dagsan kartid maskaxda waxa ayna leedahay Hoteelo lagu qiyaasay ilaa 26-Hotel oo ah heer caalami oo ay dadka u soo dalxiis taga ay ka heli karaan waxa ay doonayaan waxaana ka qeyb ah Soomalida ku dhaqan Mombasa oo iyaga qudhooda halkaasi ku leh ganacsiyo aad u waa weyn oo ay ka mid yihiin Hotel-da.
 Dhaqaalaha soo gala Mombasa sanadkii
 Dhaqaalaha soo gala dalka Kenya ayaa la rumeysanyahay in inta badan uu kasoo galo dhanka Dalxiisa ayadoona lagu qiyaasay 15% in ay kasoo gasho Kenya gaar ahaan magaalada Mombasa oo ah magaalo xeebeed halkaasi ay ku yaaliin Hotels. Beaches marka laga gaaro xiliyada summer-ka iyo waliba xiliyada fasaxyada halkaasi oo lagu sheegay in tahay goobaha ugu dalxiiska badan dalka kan eeKenya.
 Dowlada Kenya ayaa ku tiirsan inta badan dhaqaalaha ka soo gala magalaadaasi ayadoona dadka ku dhaqan magaalada Mombasana ay yihiin dadka ka madax banana inta kale ee dalka.
 Gawaarida waa weyn ee daabula ganacsiga ayaad ku arkeysaa xili walba ayagoo kasii socda ama kusoo socda si markaasi ay u daabulaan ama ay u raraan magaalada waxa ay ka doonayaan.
 Dhaqaalaha waa mid kasoo gala magaalada laba dhinac mida koobaa waa dhanka Dakada kanlabaadna waa mid ka soo gala dhanka dalxiisa oo magaalada astaan u ah.
 GUNAANUD & MAHADCELIN 
Magaalada Mombasa waa magaalo aad u qiima badan una Qadiimisan waxa uu Eebe ugu maneystay waxaana dadka Soomaalida ah ee gaar ahaan ku dhaqan magaalada ay kuu sheegayana in magaalada ay uga gadisantahay dalka intiisa kale dhanka cimilada iyo waliba dhanka dhaqaalaha ee qoyskiiba ku filan. 
Magaalada waa mid xamli karta dhamaan dadka taakta yar iyo waliba cidii dhaqaala heysata ka dib markii aan ku soo wareegay guud ahaan magaalada intii aan joogay. 
Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa dhamaan cidii garab igu siisay in aan magaalada kasoo aruuriyo xogtaasi waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa labo wariye oo magaaladaasi in muda ah kusugnaa. 
Bashiir Ahmed Suley iyo waliba Ahmed Adan Omar waxa ay ahaayeen labadii wariye ee igu garab siiyay inaan magaaladaasi ka soo helo xogta anigoo xiligaasi adeegsanaya Technology-da casriga ah ee gaar ahaan aan sawirada uga soo qaaday iyana uu garabka iga siiyay C/qaadir Muumin Cadde. 
Magaalada xeebeedka Mombaso waa meel nafta u roon Soomaalida u roon dhaqaala ahaan iyo waliba dareyeel ahaan. 

Mohamed Ibrahim Ayaanle
Freelance Journalist
Ayaanle19@gmail.com
Twitter: MohamedAyaanle






Comments

Popular posts from this blog

Fadliga tobanka danbe ee Ramadan

Kaftan & Kululeysi ~S1•E8 ~ Sufyaan+FBI vs SOMALI maryooleey