7-arimood oo noloshaada ka dhigi kara mid xasiloon!

Duruufaha dhaqaala xumo iyo bulshaba ee aan ku hoos noolnahay ayaa ah mid aadmiga durbaba ka dhigta in uu isdhiibo, balse taa badalkeeda ayaa laga doonayaa (ADIGA) inaad isbarto sidii aad uga talaabi laheyd caqabadahaasi ku horyaala.
Todobada furo ee ayaan kasoo wada helay Quraanka iyo hadalo dad horay ay u dheheen aana hubo in ay wax ka badasho noloshaada maalin laha ah hadii aad si nadiif ah aad ugu dhaqanto.
  1. Salaada
Salaada ayaa ah mid aad ugu weyn nolosha qofka muslimka ah, xasalooni iyo dagaanaana ku abuuri karta. Ma ahan oo kaliya in salaada ay waajib nagu tahay ama nala saaray, balse taa ayaa la macna ah inaad maamulka iyo amuuraha aduunka aad u dhaaftay ilaahay ama aad u khirtay in Eebe ”Ilaahay” uu yahay maamulaha aduunkaan.
  1. Xumaanta oo laga fogaado
Qofka oo iska ilaaliya waxa uu ilaahay diiday ayaa xaqiiq ah in uu ilaahay tusiyo qofkaas wado suuban oo sahlan, maxaa yeelay macaasida oo raadiyo ama lagu sii fogaado ayay nolosha noqotaa mid ciriiri iyo culeyso lasoo darista, kuuna diida daganaanta iyo xasiloonida.
  1. Kalsoonida Ilaahay
Si walba oo ay nolosha u adkaato ama duruufo adag ay kusoo food saarto waxaan kaaga digaa inaad ilaahay ku kalsoonaan weydo, maxaa yeelay adoonka ilaahay waa la tijaabiyaa waana in uu ku sabraa tijaabooyinkaas.
Waa inaad ogolaataa qadarta. Qadarta oo aad aqbasho ayaa la macna ah in qalbigaaga uu yahay mid ilaahay ku xiran. Ducada badi kuna shukri nimcooyinka uu ilaahay ku siiyay ee aanan dadka kale la siin ama adiga kuu gaarka ah. Ku duceyso magacyada ilaahay quruxda badan.
  1. Nabi Muxammed CSW ku Sali
Xiliga qofka uu ku jiro duruufta ama culeyska caadi ahaan maskaxda ayaa ku mashquusho sidii ay uga gudbi laheyd iyo wixii la sameyn lahaa, balse waxaa jira arin aan aniga lafteyda aan tijaabiyay, hadii aad si niyada nadiif aad nabi Muxumad CSW aad ugu saliso dhowr jeer ay wax badan noloshaada maalin laha wax ka badali doonto.
  1. Quraanka
Marka aad dareento inaad gashay xaalad adag iyo murug leh waxa ugu horeeya ee aan kuula talin lahaa ayaa ah akhrinta Quraanka Kariimka, hadii uu dhib kugu yahay akhriska dhageyso meel walba ayaa laga heli karaa. Maalin walba hadaad akhriso ama dhageysto Quraanka waxaa kaaga soo baxayo erey cusub ama qaab cusub oo noloshaada wax ka badali kara xitaa hadaadan aqoonin fasirkiisa.
  1. Qanacsan – positive
Waxaan kuula dardarmaa in noloshaada ay noqoto mid ijaabi ah (positive) adigoo noloshaada ku eega ama la miisamaya waxyaabaha agtaada ka dhacaya, waligaana ha noqon qof diidmo badan ( negative) si walba ay caqabado noloshaada usoo weerarto. Ogow in maalin ay ku dhaafi doonto.
  1. Is mashquulin
Waqtigaaga firaaqada ah u sameyso waxyaabo kale oo aad isku mashquulin karto sida, akhrinta buugaagta, adigoo fadhiista goobaha aaan sawax badani laheyn, sameeya orad, socodka iyo jimicsiga jirka. Waan hubaa in aad wax kaa badali doonto.
Gunaanud
Duruuf iyo xaalad walba oo kusoo waajahado ma ahan macneheeda inaad is dhiibto ama quus soo istaagto, maxaa yeelay qofka muslimka ah ma ah mid ka quusta raxmada ilaahay. Waxaan ku hoos noolnahay nolol nuucyo kala gadisan leh, dhan dhaqaale iyo bulshaba sidaas awgeed isku day inaad isticmaasho 7-aan furo oo aan hubo in noloshaada maalin laha ahi wax ka badali karta sida ay anigaba wax iiga badashay.
W/Q: Mohamed Ibrahim Ayaanle


Comments

Popular posts from this blog

Fadliga tobanka danbe ee Ramadan

Kaftan & Kululeysi ~S1•E8 ~ Sufyaan+FBI vs SOMALI maryooleey