Aflaamta hindida & saameynta ay nagu yeesheen!

Xiriir dhaqameedka Soomaalida iyo Hindiyada

 

Taariikh ahaan waxaa la sheegaa in xiriirka Soomaalida iyo Hindida uu ahaa mid aad u qota dheer waxaana ka garan kartaa taariikhaha marka la sheegayo waxaa lasoo qaataa caalaqadii ka dhexeysay labadaasi dal oo soo jiray waqti badan. Soomaalida ayaa ereyo badan kasoo qaadatay xitaa marka la hadlayo oo aan ka xasuusto baraf.

 

Ganacsiga ka yimaado Hindiya oo ay ugu weyneed waxyaabaha cunada lagu darsado iyo la isku qurxiyo ayaa ahaa mid loo safar keeno dakada weyn ee Muqdisho inta la ogyahay intii u dhexeysay 1500- 1900 oo dalka Soomaaliya ay xukumi jireen boqortooyooyin ku hoos shaqeeya hanaan qabiil.

 

Buugii uu qoray Ibnu baduuda ayaa ahaa nuqul ka mid ah ka akhriyay in ganacsiga hidida iyo carabta uu ahaa mid aad looga dareemi jiray dhulka soomaalida.

 

Boqotooyooyinkii soo mar soomaaliya ayaa xiriiro wacan la lahaa wadamada Aasiyada fog iyo bariga dhexe ayagoona usoo mara jiray qaarada Africa dalka Soomaaliya ganacsiga ay usii wadaan dalal kale. 

 


Ujeedka nuqulkaan


Balse arinta aan doonayo inaan qoraalkaan ku cabaro ayaa ka gadisan oo waxaan rabaa inaan isha ku hayo sida xowliga ah ee aflaamta hidida ah ay u soo dhax majiireen ayna saameeyeenta ugu yeeshaan Soomaali badan. Hindi Af soomaali cusub waa inta badan ugu badan waxa ay laga baaro Youtube-ka ama google-ka.

 

Aflaam hindi ah oo lagu turjumay afka Soomaaliga ayaa guud ahaan dhooban baraha bulshada maadama aysan jirin cid kale oo doorkaasi buuxin karta, dadka soomaalida ayaana aad u jecel daawashada filimada HIndiga. Waxaan la kulmay 2012 - 2016 soomaali badan oo xitaa ku hadli kara luqadaha Hindiga iyo Uruduuga oo ah kuwa ugu weyn ee dalkaasi looga hadlo ayaga oo aanan iskuul u aadin. Waxey ka barteen filimada ay daawadaan.

 

Hadaba saameyn intee le’eg ayay ku leedahay bulshada Soomaalida? Waa su’aal aan mudo dheer isweydiinayay oo aan wali u helin wax jawaab ah balse aan doonayo inaan soo ogaado kuna kusoo qaato nuqulo kale.


source photo: indiaproductionservices                                                                                                                                                              

 

La soco qeybaha soo socda oo aan uga hadli doono arinkaasi.

 


By: Mohamed Ibrahim Ayaanle

Comments

Popular posts from this blog

Fadliga tobanka danbe ee Ramadan

Kaftan & Kululeysi ~S1•E8 ~ Sufyaan+FBI vs SOMALI maryooleey