Fadliga tobanka danbe ee Ramadan



Si caadiga ah todobanka cisho ee bisha Ramadaan ayaa bilaabata habeenka 21-aad ee Ramadan. Maalmaha ayaa noqda 10 ama 9 cisho oo la macna ah hadba sida ay bisha ku dhamaato 29 ama 30 maalmood.

Fadligeeda iyo qiimeheeda

Tobankaan maalmodd ayaa ah maalmo aad ugu qiima badnaa Nabigeena Muxamad CSWS waxa uu ahaa mid ku laba jibaaro cibaadooyinka inta lagu guda jiro maalmahaan. Nabiga CSWS ayaa habeenadaas u u istaaga waxa ay u ahaayeen kuwa kaga gadisan habeenada kale.

Waxa uu inoo sheegay nabigeena Muxamad CSWS sidoo kale in tobankaan cisho ay ku jirto hal habeen oo ka qiima badan kun bilood waa Leylatul-khadri, waxaa soo daga malaa’ikta ilaahay iyo raxmada Alle.

Xafiis laga soo wariyay Caa’isha xaaska nabiga CSWS Nabiga waxa uu ahaa marka ay soo gasho tobankaan cisho mid dhexda xirta, nooleeya habeenkiisa salaad iyo wardi ku camira habeenkiisa.

ففي الصحيحين عَنْ عَائِشَةَ رضي الله عنها قَالَتْ: "كَانَ النبي صلى الله عليه وسلم إِذَا دَخَلَ الْعَشْرُ شَدَّ مِئْزَرَهُ، وَأَحْيَا لَيْلَهُ، وَأَيْقَظَ أَهْلَهُ". و"شد مئزره" كناية عن اعتزال النساء، و"أَحْيَا لَيْلَهُ" معناه استغرقه بالسهر في العبادة صلاة وتلاوة.





Hadaba waxaa la haboon qof walba oo muslim ah in uu ka faa’ideyso tobakaan cisho nafiisa nadiifiyo kuna xiray ilaahay salaad iyo quraan akhris badana la yimaado maadaama ay tahay maalmo la tiriyo kheyraadkoodna uu badanyahay.


Acmaasha tobanka cisho

Waa toban cisho oo aad u qiima badan, waa fursad aadan ogeyn inaad dib u heli karto. Qof og ma jirto cid og halka loo soo jiro maadaama aan maanta noolnahay wanaagsanaan laheydaa inaan ka faa’ideysano. Afar arimood oo tobankaan cisho ku jiro waxaa ka mid ah:-

1.     Leylatul-qadri: waa habeen ka qiima iyo qaaya badan acmaal aad sameyn laheyd hadii aad nooshay 84-sano, waa habeen aad uu qiima badan hadii qofka muslimka ah la amri lahaa way ku filnaan laheyd.

2.     Ictikaaf: waa cibaado iyo acmaal wanaagsan oo la sameeyo tobankaan cisho, sida nagibeena Muxamad CSWS laga soo wariyay nabiga waxa uu ahaa mid ictikaafa tobankaan cisho.

Inta badan haatan aduunka waxa uu ku jiraa xaalad bandhow ah wadamada qaar dadka oo idil waxa ay ku suganyihiin guryahooda waa fursad dhamaan ehelka oo idil ay si isku mid uga wada faa’ideysan karaan tobankaan cisho.

Hadii aabaha/hooyada reerka oo isu soo aruuriyo dhamaan qeybaha kale ee guriga ku nool tobankaan cisho la isla wada tukado, quraan la wada akhristo naftana la nadiifiyo waa hubaal in Ilaahay uu siinayo wanaaga maalmahaasi.

3.     Qur’aan akhrin: bishaan waa bishii qur’aanka la soo dajiyay mudanna in la bidiyo akhrinta iyo ku qushuuca quraanka . Il gaar ah hadii loosii yeesho maalmahaan gaar ka ah. Nibiga CSWS ayaa bishaan la darsi jiray Qur’aanka macalinkiisa malakul Jibril maalin walba oo bishaan ah.

4.     Sadaqo la bixid: in sadaqo lala baxo bishaan waa mid guud ahaan la jecleysatay waxa aad awoodo iskaba daa tobanka danbe waa hubaal in ilaahay uu kaa abaal marinayo. Ayada oo aysan ugu jirto tobanka danbe waxeyna ka mid tahay wadada Alle loogu dhawaan karo, Nabiga CSWS ayaa ahaan mid ku dhiiragaliya



 النبي صلى الله عليه وسلم أنه "كان أَجْوَدَ النَّاسِ بِالْخَيْرِ، وَكَانَ أَجْوَد مَا يَكُونُ في رَمَضَانَ”.

Ramadaan waa dhamaad waa nafta lagu edbiyo lagu tuso in ay jirto fursado badan oo ilaahay uu na siiyay, waa bil qofkii soo gaara hadii uu ka faa’ideyso helayo jawaab deg deg waa hadii ay acmaashaada tahay mid ilaahay u khaalis ah. Nimcada ilaahay waa la sheegaa waxaan xasuustaa habeen aan u maleeyay in ay aheyd leylatul-khadri in ilaahay dacwadeyda uu aqbalay in ka dhowr saacadood.



Mohamed Ibrahim Ayaanle
Freelance journalist, podcaster

Comments

Popular posts from this blog

Kaftan & Kululeysi ~S1•E8 ~ Sufyaan+FBI vs SOMALI maryooleey