Karantiilka Coronavirus & faquuqida Soomaalida qurbaha ku nool

 


Sida uu u saameeyay Soomaalida ku dhaqan wadamada Yurub, Mareekanka caabuqa Coronavirus!

 

 

Wadanka Iswiidhan ayaa ka mid ah wadamada aanan wali soo rogin wax bandhow ah in dadka ay guryahooda joogaan xili uu wali sii fidayo caabuqa coronavirus guud ahaan aduunka.

 

Dadka Iswiidhishka ayaa ah kuwa qaata awaamirta iyo soojeedinta dowladooda, ma ahan kuligood balse sida baaritaano lagu sheegay ilaa 90% boqolkiiba waa ku maqla talooyinka dowladooda. Kala fogaanshaha ilaa 2 mitir ayaa ah sharciga kaliye ee ilaa haatan dhaqan galay dalka iyo in dadka aysan isugu imaanin kulamada waa weyn.

 

Waxaa gabi ahaan furan dukaamada cunada lagu iibiyo, iskuulada hoose & dhexe, goobaha caafimaad, farmashiiyayaasha, goobaha jimicsiga iyo socodka wadooyinka ee la xiriira caafimaad iyo caadigaba dadka ayaad moodaa in ay qaadanayaan dhamaan talooyinka.

 

Wadamada kale ee qaarada Yurub ayaa alaabada la isugu dhuftay dhamaan adeegyada bulshada bilowgii jahwareerka coronavirus-ka sida iskuulada, jaamacadaha, dukaamda ayadoona wadooyinka Madrid, Roma, London iyo kuwa kalaba ay ahaayeen kuwa haawanaya.

 

Soomaalida ku dhaqan guud ahaan wadamadaasi ayaa qaatay awaamirka ay soo saareen dowladaha ay la noolyahay balse laguma wada qanacin.

 

SAAMEYNTA DHAQAALE

 

Caaabuqa ayaa guud ahaan saameyay ganacsiga aduunka gaar ahaan wadamada uu ugu faafida badan ee qaaradaha Aasiya, Ameerika iyo Yurub.

 

Xukuumada Iswiidhan ayaa ka mid ah dowladaha ugu go’aanka adkaa qaatay mudada uu caabuqa faafayay walow ganacsiyo yaryar ay albaabka ka baxeyn hadana waxaa la sheegay in go’aanka Iswiidhan uu ahaa mid mira dhalay. Dowlada ayaa balan qaaday in ay kabi doonto shirkadahaasi shiiday iyo dadka shaqa la’aanta ay ku dhacday

 

Wada shaqeynta dowlada hey’adaha shaqaalo ayaa keentay in gargaar degdeg ah la siiyo dadka qaaday cudurka ee uu saameyay shaqadooda.

 

SHAQA LA’AANTA OO KORODHAY

 

Guud ahaan dalka ayaa laga dareemayaa shaqo la’aan maadaama shirkado yaryar oo badan ay suuqa ka bexeyn, balse qorshaha dowlada ayaa ah in shaqalaaha iyo milkiilayaashaba la kabo mudadaan walow dheefta aysan dadka isku si usoo wada gaarin.

Soomaalida ayaa ka mid ah dadka ay sida ba’an u waajahday shaqa la’aanta ayaga oo ay la qabaan qowmiyadaha kale balse tirada Soomaalida ee shaqeyn jiray oo markii horaba yaraa ayaa hadana wadada kasii dhacay oo ay usii dheertay warbixino qalafsan oo ay warbaahinta ka bixisay bilowga xasrada.

 

TALOOYINKA CAAFIMAAD

 

Dadka dalkaan ku nool ayaa ka hela talooyinka caafimaad hey’ada caafimaadka ayagoo usoo marinaya warbixinada gudaha ka jira, waxaana sii dheer in warbaahinta ay cusbo kusii daraan warbixinada kooban ay ka helaan dadka soomaaliyeed.

 

Sidaan horay u sheegay ”Soomaalida ma hadasho ee waa loo hadlaa waa dad isu xoog leh ayaga ee aan dadka u xoog laheyn”.

 

Warbaahinta ayaa door lixaad leh ka qaadatay faafinta macluumaadka la xiriira caabuqa coronavirus waxaana lasoo daabacay macluumaad luqado badan ay ku qoranyihiin ee dalkaan looga hadlo oo uu Soomaaliga ka kow yahay.

 

BEEN-ABUURKA WARBAAHINTA


Waxa walba waxaa inooga daran weerar warbaahinta ay ku hayaan dadyowga Soomaalida gaar ahan. Warbaahinta aduunka ayaa isa siiya ila wareedka ayagoona wadaagay been abuurkaasi ee mudada kooban socday.


Caabuqa coronavirus markii uu ku faafay guud ahaan dalka ayay warbaahinta bilaabeen in indha shacabka ay ku leexiyo Soomaalida ayagoona ka sheegaya in Soomaalida ay yihin dad aanan taxadarin kuna nool guryo isku raran ah oo ay dad badan ku wada daganyihiin.

 

Waa la qabaa, balse ma ahan oo kaliye Soomaalida oo arinkaasi ayaa ka wada siman dhamaan qoomiyadaha kale ee dalkaan ku nool… maxaa afka saaray Soomaalida oo kalya?! Horay ayaan u sheegay ”Wixii Xunba Xaawaa Leh” waa naloo hadlaa ee ma hadalno

 

Faquuqaas iyo far muuqa ayay ka mideysanyihiin dhamaan ay Soomaalida kuwa nool mareekanka gaar ahan Minnesota oo ah Muqdisho 2, London oo ay ku iyana ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee Yurub, Stockholm- Rinkeby oo ay ku noolyihiin soomaalida ugu badan, Norway, Finland iyo ugu danbeyn Kenya oo ay booliska dalkaasi iyo kooxaha caafimaadka ula dhaqmaan sida xoolihii oo kale.

 

Waxaan daawadahay muuqal muwaadin Soomali ah oo ku nool dalka Finland oo la kulmay faquuqaasi mar uu adeeg kasoo doontay dukaan dalkaasi ku yaala. Dhamaanteena waan wada ognahay.

 

Waxaan nahay dadka lagu af bilowdo marka ay wax dhacaan balse waxba kama barano wixii dhacay waxaan nahay dadyow waqti u joog ah oo waxaan kacnaa marka ay wax dhacaan ee ma lihni qorsho xili wanaagsan.

 

Lama socono waxa ka socda goobaha aan ku noolnahay. Dad isu xoog leh ee aan dadka kale wax la qeybsan karin.

 



Source:


https://www.dailymail.co.uk/news/article-8191443/NHS-data-suggests-people-black-minority-backgrounds-vulnerable-coronavirus.html?fbclid=IwAR2w7VGHdmOo--RW9jm9eu22--yg9l9g7ojEY2V8w-75OK5NdWZswtYrwMU#comments



https://www.svt.se/nyheter/inrikes/lakarforening-larmar-over-halften-av-de-doda-ar-svensksomalier



https://www.svt.se/nyheter/lokalt/ost/svart-for-analfabeter-att-klara-distansundervisning-med-datorer?cmpid=del%3Afb%3A20200330%3Asvart-for-analfabeter-att-klara-distansundervisning-med-datorer%3Anyh%3Alp&fbclid=IwAR2IhXSbpPkwf-TN1pMRDkgETRP7IPMn_6Q1BPVW6Qf0zcoYHJJCgD1aQ8E



 

MOHAMED IBRAHIM AYAANLE

FREELANCER, PODCASTER

 

Comments

Popular posts from this blog

Fadliga tobanka danbe ee Ramadan

Kaftan & Kululeysi ~S1•E8 ~ Sufyaan+FBI vs SOMALI maryooleey